U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Shaaciyay Halka Lagu Bixiyo Canshuuraha Laga Qaado Shacabka Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay xogta maaliyadda dalka ee 10-kii sanoo la soo dhaafay ayaa sheegay in canshuuraha ganacsada iyo dadweynahq Soomaaliyeed laga qaado 70% lagu bixiyo nabad-galyada dalk.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay wado qorshe wax looga qabanayo saameynta ay roobabku u geystaan jidadka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha caasimaddu ay xaq u leeyihiin in wax loogu qabto lacagaha canshuurta ah ee laga qaado.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan uu ku dhawaaqay hannaan cusub oo canshuuraha wax kala iibsiga lagu qaadi doono, islamarkaana ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga falceliyeen.