U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Maanta Daahfuray Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay qorshe isbeddel Qaranka oo mudnaanta siinaya wax-soo-saarka gudaha dalkeenna, isaga oo ugu baaqay beeralayda Soomaaliyeed in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha, si ay u soo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalkana ay ugu dhoofiyaan dunida.

Dhibaatooyinka saameynta ku yeeshay wax-soo-saarka beeraleyda Soomaaliyeed, ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ugu waaweyn yihiin isbeddelka cimillada iyo argagixisada oo ragaadiyey dhulkii ku habboonaa tacabka, waxa uuna kula dardaarmay beeraleyda in wadajir loogu istaago sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta hortaagan horumar laga sameeyo wax soo saarka dalkeenna.