U bood dhigaalka

Wasiirka Qorsheynta oo Faahfaahin Ka Bixiyay Xeerka Maalgashiga ee Golaha Loo Gudbiyay

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey xeerka maalgashiga ee horyaala Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas oo kasoo gudbay golaha wasiirrada Soomalaiya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu xeerku heerarka kala duwan soo maray, islamarkaana uu qeexaya dhammaan habraacyada maalgashiga caalamiga ah iyo sida loola macaamilayo shirkadaha iyo dowladaha dunida ee danaynaya inay maalgashadaan Soomaaliya.

Soomaaliya oo hodan ku ah kheyraad jaadad kala duwan leh, islamarkaana ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa doonaysa inay soo jiidato maalgashadaal caalami ah, taas oo qeyb libaax ka qaadan doonta dhaqaalaha dalka iyo shaqa abuurka dhallinyarada.