U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheynaysa in Mamnuucidda Raashinka Cawinada Xilliga Beeruhu Soo Go’aan

Wasiirka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay inay dowladdu waddo qorshe lagu joojinayo gargaarka Raashinka ah ee dalka la keeno xilliga ay dalagyada beeruhu soo go’aan.

Wasiir Maareeye oo wareysi siiyay warbaahinta dawladda ayaa tilmaamay inaan la oggolaan doonin in goorta uu tabaca beeruhu soo baxo dalka la soo galiyo Raashin gargaar ama macaawino ah, asagoo xusay inay hay’adaha iyo dowladaha dunida arrintaa la wadaageen.

Beeralayda Soomaaliyeed ayaa dhibaato kala kulmo Raashinka gargaarka ah oo ay hay’adaha qaarkood ku soo beegaan xilliga barwaaqada, kaas oo suuq xumo u horseeda, islamarkaana cuuryaamiya wax soo saarka gudaha.