U bood dhigaalka

Madaxweyne Guudlwaale oo Kulan Su’aalo Lgu Weydiinayay Uga Qeybgalay Degmada Cadalle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa maanta degmada Cadalle uga qeybgalay kulan bulshada magaaladu ay su’aalo ku weydiinayeen.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaanada Degmada Cadale, oo muddooyinkaan dambe laga dareemayay soo kabasho weyn.

Kulanka ayaa  si gaar ah diirada loogu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowladda Hirshabeelle.

Waxa kale oo laysla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyada dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariicda hormarineed.

Kasoo qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe, madaxeynaha ayaa maalmahaan ku safrayay gobolka.

Madaxweynaha oo ka jawabayay muhiimadda kulanka uu bulshada u leeyahay ayaa carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in bulshadada ay la xisaabtamo madaxda “Tani waa isla xisaabtan dhab ah oo Dowladda iyo shacabka ah, mana jirto cid anaga iyo bulshada inoo dhaxeyso.”

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana hadda ka muuqda soo kabasho dhinacyo badan degmadaan saran xeebta, waxaana hadda ka socda hormarro kale duwan iyadoo dhowr mashruuc laga hirgelyay degmada oo lagu hormarinayay.