U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay iney Shirkadaha Korontada Kula Xisaabtameyso Waxyeellada ay Geysato

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirkadaha korantada kula xisaabtamayso waxyeellada dadweynaha iyo hantidooda ka soo gaarta dabka ay sababto korantadu, islamarkaana aan loo dulqaadan doonin khasaare walba oo taxadar la’aan iyo masuuliyad xumo keenaan.

Maareeyaha hayadda korantada qaranka Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ilaalinta bedqabka dadweynuhu ay tahay musiiliyadda ugu weyn ee hay’adda saaran, islamarkaana ay shirkadaha kula xisaabtami doonaan qaladaadka aqoon xumada iyo dayaca ku yimaada ee dadka waxyeelada u geysta.

Maareeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay hubin doonaan tayada qalabka korantada iyo waxtarkiisa si uu u noqdo mid ku habboon, una qalma halbeegyada saxda ah ee agabka loo adeegsado korantada caalamiga.

Hadalka ayaa ku soo beegmaya xilli ay shilal badan oo korantadu sababta u tahay dalka ka dhacaan, islamarkaana ay dhashaan waxyeellooyin isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed, ayadoo aan dhibaatadaas inta badan waxba layska weydiin, cidna loo maxkamadayn.