U bood dhigaalka

Muxuu Maamulka Masjidka Cali Jimcaale Ka Yiri Ninkii Dhaleeceeyay Sheekh Cismaan Xidig?

Xilli saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada uu dood adag ka abuuray qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Ibraahim ciyow oo ah wadaad ka ag dhow culumada masaajidk shiikh Cali Jimcaale ayaa waxaa arrintaas ka hadlay maamulka masaajidkaas.

Shir saxaafadeed uu qabtay maamulku ayuu ugu horreyn uga tacsiyeeyay geerida caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig, waxa uuna ku tilmaamay mufti ummadda dhaxal iyo dhigaal badan uga tagey, islamarkaana ah tiir ka baxay dadweynaha Soomaaliyeed iyo bulshada islaamka oo dhan.

Sidoo kale maamulka ayaa iska fogeeyay hadalka uu qoray Ibraahim Ciyow oo uu ku dhaliilay Shiikh Cismaan Xiddig, waxayna sheegeen inuu wadaadkaasi aragtidiisu asaga u gaar tahay oo aanu ku matalin maamulka iyo jameecada masaajidka midna.

Ibraahim ciyow ayaa qoraal muranka dhaliyay ee facebook-giisa soo galiyay ku sheegay in shiikh Cismaan Xiddig Allaha u naxariistee uu difaacay jirey waxyaabo uu ku tilmaamay falal gaalnimo ah, islamarkaana kutubkii uu qoray aysan wax faa’iido ah bulshada u lahayn.