U bood dhigaalka

Muxuu Salka Ku Hayaa Heshiiska Badda ee Dowladaha Shiinaha iyo Filibiin ay Kala Sixiixdeen?

Dowlaha Shiinaha iyo Filibiin ayaa kala saxiixday heshiis lagu qaboojinayo xiisadda ka taagan badda koonfurta Shiinaha, sida ay sheegtay dowladda Filibiin, xiisadaan ayaa keentay walwal laga qabo isku socodka ganacsiga aafaasi.

Heshiiskan oo ay soo diyaariyeen diblomaasiyiin u dhashay Shiinaha iyo Filibiin oo ku sugan Manila, ayaa dhigaya shuruudo ku meel gaar ah oo lagu oo la xariira ciidamada badda labada dal ee ku sugan aagga lagu muransanyahay.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Filibiin ayaa sheegtay in Labada dhinacba ay ku dadaali doonaan hoos u dhigidda xiisadda badda Koonfurta Shiinaha, laguna maareynayo khilaafaadka wadahadal iyo wadatashi.

Labadan ayaa kamida kuwa ugu tanka weyn dalalka ku muransan badda koonfurta Shiinaha, waxayna bilihii la soo dhaafay hawada isku marinayeen eedeymo culus iyo hanjabaado xiisadda badda ku saabsan.