U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Bakistaan oo Xiray Xafiiska Xisbiga uu Ka Tirsanaa Imran Khan

Ciidamada nabad-galyada Bakistaan ayaa xoog ku galay xafiisyada xisbiga Pakistan Tehreek e-Insaf (PTI) ee uu ka tirsan yahay raysalwasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, kaas oo dhowaan lagu waayay dambi hore loogu soo oogay.

Ciidanka ayaa xiray xafiisyada xisbiga ee magaalada islaamabaad, waxayna xabsiga u taxaabeen Ku simaha guddoomiyaha xisbiga Gohar Khan iyo xoghayaha warfaafinta Rauf Hasan, sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay xisbiga.

Weerarkii ciidanku ay xarunta xisbiga ku qaadeen ayaa yimid todobaad ka dib markii dowladdu ay sheegtay inay qorsheyneysay inay kala dirto xisbigaas, oo ah dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee mucaaradka Pakistan.