Magaal: Oraah Murtiyeedkii Abwaan Aadan Xaaji Xasan (Afqalooc) Qeybtii 1-aad
Abwaan Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqalooc) waxa uu kamid ahaa Maansoyahanadii waaweynaa ee soomaalida kuwii ugu magaca dheeraa, wuxuuna ahaa gabyaa indheer-garad ah oo tixihiisa wax dhici doona iyo wax goor hore la soo dhaafay si qoto-dheer ugu cabira.
Xaajigu wuxuu ku dhashay Gobolka Sanaag gaar ahaan togga “mirashi” loo yaqaan oo magaala madaxda Ceerigaabo u dhow goor la rumaysanyahay inay ahayd 1871-kii, wuxuuna noolaa tan iyo 1986-kii oo uu asagoo 115 jir ah ku geeriyootay magaaladii uu agagaarkeeda ku dhashay ee Ceerigaabo.
Abwaanka oo intii uu ifka joogay dhacdooyin la yaab leh iyo ma-hadhooyin xanuun tira beel ah la kulmay, halgan haliso badan huwanna soo maray wuxuu inaga tagey dhaxal-suugaaneed baaxad leh oo qiro iyo quluud miiran ah, waxaana maansooyinkiisa ka buuxa meerisyo iyo tuducyo haliqabsi iyo hal-dheg noqday oo ay soomaalidu murti ahaan u adeegsato.
Haddaba haddii aan eegno qaar kamida oraahyada maahmaahda noqday ee Abwaan Xaaji Aadan afqalooc laga hayo waxaa kamid ah: laba meeris oo ku jiray gabay dheer oo uu masaha(caddaaladda) iyo is tix-gelinta dadka aradka kuwada nool uga hadlayay, kuwaasoo kala ahaa:
1) “tisciin gaajo laysaa jiroo toban dhargeysaaye” oo uu ula jeeday in dadka boqolkiiba toban ay hodanyihiin oo ay bashbash iyo baraare ku noolyihiin, 90-kalena ay yihiin sabool faraha madow oo qadaan ma dheragto ah, taasoo aanu marqaati ka wada nahay.
2) mar kale asagoo ka hadlaya in uunka Eebbe oo dhami ay Aakhiroba geedi uwada yihiin oo si kastoo ay maanta u ladantahay aanay cidina ifka ku sii waaray wxa uu yidhi: “Naftu waa tu qudha oo ma jiro taajir harayaaye”.
3) jeer kale Abwaanku asagoo tilmaamaya sida ay wax wada qabsiga iyo iskaashigu lagama maarmaanka u yihiin wuxuu yidhi”ilkuhu wadajir bay hilbaha adag ku gooyaane
Hadday iniba meel taagantahay arax ma fiinteene”, sidoo kale waxaa laga hayaa ” Aboorkuna alaykuu dhisaa aqallo waaweyne
Goortuu ururay daartuu ebyaad la ashqaaryaaye”.
Meeris kale oo is gabaygaa kamid ah ayuu ku sheegay inaan Midnimo iyo is raac la’aan guul iyo barwaaqo toona lagu helayn, iimmaan iyo aragti wax tar lehna aanu lagu gaarin, dadka soomaaliyeedna isku duubni iyo cadowgoo ay isku meel uga soo wada jeestaan ku guubaabinaya waxa uu yidhi “itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
Indhahaad isku aragtaan cadaawaha isaga eega”
4) taariikhda iyo dhacdooyinku sida ay noolaha toosh haga oo ay ogaal iyo aragti garaadka kaaba uga helaan, tix-raac iyo tab waxbarashona u yihiin kol uu hoga-tusaale ka bixinayay ayuu yidhi”taariikhdu waa inoo misbaax maanka caawima e”.
La soco Qeybta 2-aad ee qormada.
W/Q/ Abwaan Hareeri