U bood dhigaalka

Maqaal: Waalidiintu Miyay Kaalin Muuqata Ku Leeyihiin Burburka Qoysaska Awlaadooda?

Sida dabeecadda dadka eebbe tahay gabar iyo wiil kii uu yahayba haddii uu qofku   asagoo jir ahaan iyo maan ahaan u fayow qaan-gaar noqdo waxaa ugu badan ee maskaxdiisa ka guuxaahi waa  helidda cid gayaankiisa/keeda ah oo uu nolosha la qeybsado iyo  iskaabulonimada daashatay oo uu ka jiciirto, lamaanenimo iyo maamul reerna ku doorsado.

Hablaha iyo barbaartu way ka simanyihiin doonista iyo danaynta guurka, hayeeshee waxay kula duwanyihiin u madax-banaanta dooqa iyo meel-marka waxay ay maaminayaan ama u qorshaysan oo ay ma-huraanka aayahooda iyo yididiiladooda  u arkaan.

inta badan hiigsiga iyo himilada wiilasho way hir-gashaa oo in talooyin iyo tabo wax toosin ah lagu darsado mooyee waxay ay maaganyihiin  saani lays-kuma hortaago, balse gabdhuhu sidaa way ka gadisanyihiin oo waxaa loola dhaqmaa qaab maquunin iyo macangagnimo ku larantahay oo inta badan rabitaankooda lagu doodsiiyo oo mid aanay u riyaaqsanayna waa lagu dirqiyaa, odhaahdii ahayd “ far duco iyo far habaar mid doorona” hadalka ugu soo gabangabeeyaa.

Sidoo kale waxaa suur-gal ah in nin diin ahaan iyo dabci ahaanba u wanaagsan oo milgo iyo gobanimo leh ugu soo geed fariistay oo howraarsan ka filayay uu u diido ama waxyaabo aanu awooddin ku xiro, ka dibna fadeexad iyo gabadhii lala baxsaday ay dhegihiisu maqlaan.

Rag aanay waligood il iyo baar saarin oo aad uga da’weyn ama aan baxaalli ahaan ula jaan-qaadi Karin ayaa kol kol aabbahood ku daraa asagoo aan haba yaraatee wax talo ah weydiin, go’aankiisana dan asaga u gaar ah ama waxyaabo kaloo la qurxoonaaday ku salaynaya taasoo keenta is-af-garan-waa iyo  xallisooni-darro  aayaha gabadha hagaas iyo hungow hundhur ku mariiman u horseeda.

Waa dhab oo waalid kastaahi waa sidaa maaha oo way jiraan qaar dooqa iyo doonista hablahooda mudnaanta koobaad siiya, mar walbana murugta ka dhowra oo qorshohooda la qaabeeya oo sidii uu inantiisa hiyiga ugu dhisi lahaa u darban.

Isagoo aan wax walba ka yeelayn ayuu haddana diidmada qayixan ka ilaaliyaa oo wixii turxaan iyo talo xumo u gayso la toosiyaa, sidii uu wax ula farsamayn lahaa oo waxa dubaaqeeda ka guuxaya iyo doonisteeda la taabo-geliyaa oo taageero iyo gacansiin dhammaystiran ku siiyaa .

Duca-qabahaas hablihiisu deganaan iyo niyaayar ayay reeraha ku dhaqdaan, murugo iyo muhashona marnaba ma dareemaan haddiiaanay dac kale wax ka hallaabin oo aanu ninka qabaahi xilo gube ama qorqude muudal ah oo gabadha nolosha u dacareeya noqan.

Haddaba waxaa Aabbeyaasha iyo hooyooyinka soomaaliyeed la gudboon inay aayaha ubadkooda gaar ahaan bilcaamaha iyo gashaantimaha u meel dayaan oo wax aanay ku qanacsanayn jajuub ku yeelsiin, wixii halis ku ah oo talo xumo u gaysona ay si xeelad iyo xigmadi ku dheehantahay uga celiyaan.