U bood dhigaalka

Maxaad Ka Taqaana Qisada Sixroolkii ay Jinigu Dileen iyo Dhacdooyinkiisii Cajiibka Ahaa?

Xuseynu falaki wuxuu asal ahaan ka soo jeeday dalka masar, wuxuuna ka mid ahaa ardaydii uu wax soo baray saaxirkii weynaa ee la oran jirey Cabdifataax Al-dawqi, kaasoo kamid ahaa saaxiriintii ugu caansanaa,  uguna halista badnaa qarnigii 20-aad.

Cabdifitaax Al-dowqi wuxuu kaahin ama saaxir ku fogaaday cilmiga baas sixirka, wuxuuna qoray ama alifay buugaag badan oo uu kaga hadlayo falsafadda iyo noocyada sixirku u kala baxo, wuxuuna intooda badan soo bandhigay 50-meeyadii qarnigii 20-aad ee ina dhaafay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen sixrul cadiim, cilmi kufri, sixrul kuhaan iyo qaar kale.

Sidoo kale wuxuu lahaa goob sixirka lagu Barto oo lagu magacaabo matrasatu ruuxaaniya, ama dugsigii jinka, waxaana arday baaska goobtaas wax ka baran jiray kamid ahaa Al-xusaynul falaki oo ahaa midka ugu garashada iyo dadaalka badan ee halkaa wax ka dhigan jiray, ugu dambayna xittaa macalinkiisii ayuu sixirka uga aqoon batay.

Xuseyn wuxuu qoray buugaag badan oo sixirka ku saabsan, waxaana kamid ah Al-sixrul madluum, asraarul jaan, iyo kuwa kale, si taa lamida wuxuu jeediyay hadallo taariikhda galay, tartamo badan oo dhanka sixirka ahna wuu ka qeyb-galay.

1980-deetameeyadii wuxuu ahaa nin caan ah oo ay dad badan oo madax iyo bulsho weyn lihi goobtiisa soo booqdaan, waxayna u bandhigan jireen arramaha murugsan iyo muraadyada ay xalka u waayaan si uu  baalasha sixirka ugu baaro.

Derajada ugu saraysa ayuu ka gaaray cilmi  falaga, wuxuuna qaabili jiray dad sar sare oo keliya sida taajirada, Jilaayaasha, siyaasiyiinta, cayaartoyda kubadda,  iyo madaxda dowladaha, iyo inay danyartu arkaanina aad bay u adkayd, qaarad ka qaarad ayaana looga imaan jiray.

Dadka ay u suurta-gasho inuu qaabilo aya waxay ka dalban jireen inuu u sameeyo sixir ay danohooda u kaashadaan, xeelado iyo kaartooyin ay dhigood uga guulaysan karaanna uga dhigtaan, iyo xittaa inay ogaadaan muddada nolosha uga dhiman ama ay sii noolaan doonaan.

Mararka qaar saaxiriin kale ayaa u imaan jirey si ay wax uga kororsadaan, waxayna la yaabi jireen xeel-dheeridiisa iyo sida uu xeeladaha cilmi falaga u yaqaan, waxayna ka baran jireen qaabkiisa gaarka ah ee uu dalaasimta iyo casaa’imta sixirka u qaado ama ugu luuqeeyo, dhammaantoodna way ka dambeeyeen.

Caanimadiisa iyo sida qotada dheer ee uu sixirka u yaqaanay ayaa saamayntiisa kor u qaaday ,gadaalkiina film ayaaba laga sameeyay sidii uu wax u maleegi jiray,  iyo dadkii sida joogtada ah u booqan jiray, waxaana film-kaa oo lagu magacaabo caada liyantaqim ama wuu soo laabtay si uu u aarsado lagu soo bandhigay dalalka carabta intooda badan sanadkii 1988-dii.

Soo saariyaasha filmkaa qaarkood oo uu kamid ahaa dr yaasiin cismaaciil baasibi ayaa qodhooshu jeer u tagay saaxirka si uu xaalado ku cakirnaa xalkooda ula baadi-gooyo asagoo quraafaadkiisa adeegsanaya, waxaana film-kaas ku jirtay qeyb ku saabsan sidii uu xuseyn Al-falaki u akhrin jirey erayada sixirka ama dalaasimta iyo casaa’imta.

Markii uu film-kaasi baahay ka dib waxaa dadka dhexdooda ku faafay xogta Al-xusayn al-falaki, maxaa yeelay inkastoo uu caan ahaa haddana dadka caadiga ihi wax badan kama ogayne madaxda iyo dad caanka ah ayaa u tagi jirey.

Xaafiiska uu ku shaqayn jiray waxay ahayd mid geliddoodu ay adagtahay oo xittaa xaaskiisu ma tagi karin, dadka caadiga ahna lagama furi jirin,laakiin wuxuu u dhintay si argagax leh oo ay eheladiisa iyo booliskuba ku wareereen.

Meydkiisa oo argagax leh ciddii eegtaahina ay qaracmayso ayaa lagu arkay goobtii uu sixirka ku falkin jiray, sidoo kale waxa la arkay xaafiiskiisa oo furan ,wuxuuna xilligaa ahaa 58 jir.

Dhaqaatiir dhinaca biology-ga ama DNA-da oo meydkiisa baaritaan ku sameeyay ayaa sheegay in ay u badantahay inuu u dhintay  sare u kac dhinaca dhiigga ah oo ka dashay cabsi daran, balse dadka intooda badani waxay rumaysan yihiin inay duulashii la shaqayn jiray khaarajiyeen.

Sidoo kale xittaa jawaabta dhaqaatiirta la raacayo waxay u badantahay inuu la kulmay duullaan kaga yimid koox jinni ah ama ay qolo ruuxaan ah oo muuqaalkooda naxdin leeyahay soo booqdeen cabsidii uu dareemay darteedna uu dhiiggiisu u karay oo uu sidaa u dhintay.

Sida la rumaysanyahay Saaxitiintu sida dadka ayay jinniga iyo ruuxaanta ula macaamilaan, waxaana suurt-gal ah in uu mar mar qilaaf dhex maro, khilaafkaasina uu gacan ka hadal isku badalo, waana midda loo badaniya inuu Alxuseyn u dhintay.

Dhimashadiisa ka dib waxaa xaafiiskiisa lagu arkay sawirada dad caan ah oo ay jilaayaal, ganacsato, iyo madax kala duwani ku jiraan, oo kaartooyinka iyo sirta guusha asaga ka qaadan jiray.

Midda la yaabka leh ayaa ah in goobta lagu arkay dhalooyin ay caano qalalini ku jiraan oo mid kamida ay ku wada jiraan caanahaas iyo dhiig bini’aadam, waxaan xaaskiisa oo ay boolisku su’aala weydiiyaani ay sheegtay inaanay xog ka hayn waxa rasmiga ah ee uu ka shaqayn jiray, waxayna intaa ku dartay inaanu u ogolaan jiray inay xaafiiskiisa gasho.