U bood dhigaalka

Saddex Degmo oo Kamid ah Puntland oo Maanta Looga Dareeray Doorasho Qof iyo Cod ah

Dadweynaha degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka Puntland, doorashadan waxaa codeyn doona dad ka badan 64 kun oo qof.

Waxaa laga codeynaya 80 goobood oo saddexdaas degmo ah, waxa doorashadan ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi.

Saddexdan degmo ayaa noqonaya kuwii u danbeeyey ee Puntland ay ka qabanayso doorasho qof iyo cod, iyada oo sannad ka hor ay ka wada qabatay in ka badan soddon degmo.

Ciidamada ammaanka ayaa sugaya xasilooniada goobaha codbixintu ka socoto.

Taliye ku xigeenka 2 aad Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto: Cismaan Maxamuud Maxamed oo ka hadlay habsami usocodka Doorshadda golaha Deegaanka degmada Godobjiiraan iyo deegaanadda hoosyimaada ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin falal sharciga lidi ku ah oo dhacay.

Wuxuu sheegay in shacabka ay codeynayaan si nabad ah oo ay ku jiraan safaf dhaadheer. Ciidanka Booliska ayuu sheegay in dhammaan Seejooyinka ay ku sugan yihiin.