U bood dhigaalka

Booliiska Uganda oo Xabsiga Dhigay Tiro Dad ah oo Ka Qeybgalay Bannaanbaxa Looga Soo Horjeeday Dowladda

Booliiska dalka Ugandq ayaa xiray tobanaan qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo looga soo horjeedo musuqmaasuqa oo ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanuhu.

Booliska iyo militariga ayaa aad loo soo dhoobay xaafadaha kala duwan ee Kampala, halkaasoo ay isugu soo baxeen kooxo yar yar oo dibadbaxayaal ahi maalintii Talaadada ee todobaadkan.

Dibad-baxayaasha ayaa lulayay boorar ay qoranyihiin halku dhegyo musuq-maasuqa ay sheegeen inuu dalka ka jiro, waxayna ku qeylinayeen erayo ay ku cambaareynayaan arrintaas, ayadoo qaar kamid ahi ay soo xirteen funaanado ay ku xardhanyihiin “Hadalsame waa in uu is casilaa” oo ay madaxweynaha ula jeedeen.

Ugu yaraan 45 qof ayay ciidamada nabad-galyadu xireen intii uu socday bannaan-baxu, sida ay sheegeen ururka cutubka afaraad ee Uganda, oo ah koox u dooda xuquuqda aadanaha oo adeegyo sharci u fidineysa maxaabiista.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Kituuma Rusoke ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin mudaaharaad halis gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana ay arrintaa si adag uga hortagi doonaan.

madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkan ku yaalla bariga Afrika ka talinayay ku dhawaad ​​afartan sano, ayaa ka digay in dibadbaxayaashu ay dab ku ciyaarayaan, islamarkaana waxa at wadaan aan loo dulqaadan doonin, xilli dhowr xildhibaan oo dowladda ka tirsani ay wajahayaan eedeymo musuqmaasuq.