U bood dhigaalka

Muxuu Ra’iisulwasaraha Maamulka Isael Kala Kulmay Safarkiisii Waashinton?

Ra’iisul wasaaraha maamulka Israa’iil oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmay bannaanbax aanu filayn oo looga soo horjeedo dagaalka marinka Qasa xilli uu ku sii jeeday aqalka Congress-ka oo uu doonayay inuu khudbad ka jeediyo.

Dad caraysan oo wata boorar ay ku qoranyihiin halku dhegyo ka dhan ah Israa’iil oo lulaya calanka Falastiin ayaa soo buux dhaafiyay afaafka hore ee aqalka Capitol-ka, ayagoo dalbanaya in Netanyahu lagula xisaabtamo gumaadka ay ciidamadiisu ka wadaan qasa.

“Waxaan u dagaalami doonaa xorriyadda meel kasta oo laga diido adduunka oo dhan, waxaan la xiriirnaa Falastiiniyiinta sababtoo ah waxaan nahay dagaalyahannada xorriyadda halkan Ameerika”, ayuu yiri mid kamida dibad-baxayaasha oo la hadlay Warbaahintu.

Bannaanbaxyada ayaa la filayaa inay sii xoogaystaan ayadoo kumanaan mudaaharaadayaal ahi ay qorshaynayaan inay isku soo baxyo waaweyn oo ay Israa’iil kaga soo horjeedaan ka dhigaan guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Washington DC inta uu ku suganyahay Netanyahu.

Xilli uu dagaalka Qasa bishii 10-aad oo xariir ah socdo, islamarkaana uu sababay dhimashada 40 kun oo dadka reer Falastiin kamida, iyo dhaawaca boqolaal kun oo kale, ciidamadu Israa’iil ay xittaa goobaha barakacayaasha si arxan darro ah u duqeynayaan ayay haddana sharci dejiyaasha Mareykanka Netanyahu u Sacbinayaan oo ay casuumaado aan caadi ahayn u samaynayaan, taas oo muujinaysa in dhimashada reer qasa aanay macne weyn ugu fadhin.