U bood dhigaalka

Maxay Tahay Ujeedka Safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Ku Gaaray Degmada Moqokori?

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha Degmada Moqokori iyo shacabka degmada ayaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeeyay degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan.

“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan ka xoreynay kooxda Alshabaab Waadna u dhabar adeegteen miraha dowlanimada ee aad guraneysaan.”

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.