U bood dhigaalka

Soomaaliyo iyo Azerbaijan oo Ka Wadahadlay Horumarinta Dhaqaalaha iyo Tamarta

Asarbayjaan iyo Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa fursadaha iskaashiga dhanka tamarta, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso kobcinta kaabashaasha dhaqaalaha oo hormarinta Tamartu ku jirtu.

Wasiirka dhaqaalaha Asarbayjaan Mikayil Jabbarov sheegay in kulan oo la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay diirada saareen sidii loo sahmin lahaa fursadaha dhanka dhaqaalaha ee ka jira Soomaaliya si ay maalgalin ugu sameyso dowladdiisa.

Sidoo kale, dhinacyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay ugu habboon tahay in la sameeyo xiriir dhaqaale oo faa’iido u leh labada waddan, ballaarinta qaab-dhismeedka sharciga si loo taageero horumarinta xiriirka, iyo isdhaafsiga khibradaha dhinacyada danaha labada dhinac.

“Intii aan ku guda jirnay kulanka aan la yeelanay Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan wada-hadalladayadu ay ku qotomeen horumarinta xiriirka dhaqaale ee labada dal iyo sahminta fursadaha iskaashiga dhanka tamarta,” ayuu yiri Jabbarov.

Kulankaan ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay waday maalmihii lasoo dhaafay dadaallo lagu horumarinaayo dhanka tamarta iyo dhaqaallaha.