U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada oo Ka Jawaabay Sababaha Yareeyay Deeqaha Waxbarasho ee La Helijiray

Sheeko:Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb-galay madal dad weyne oo ay bahda waxbarashada iyo masuuliyiin dowladda ka tirsani goobjoog ka ahaayeen ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan deeqaha Waxbarashada ee ay Soomaaliya ay dunida ka hesho oo muddooyinkaan dambe yaraaday.

Wasiirka ayaa sheegay in dalalkii Soomaaliya deeqaha waxbarashada siin jirey ay qaarkood duruufo qabsadeen sida suudaan, taas oo sabab u ah inay hoos u dhacaan fursadihii waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed ka heli jireen, sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalal koobani ay bixiyaan fursado heer sare ah, ayna dowladdu si feecan u maareyso.

Wasiir faarax Cabdulqaadir ayaa dhanka kale wacad ku maray inaan la aqbali doonin in shahaado jaamacadeed lagu qaato 3 sanadood keliya, islamarkaana ay qasab tahay in loo hoggaansamo muddada halka sano ah ee ay Wasaaraddu ku dartay waxbarashada jaamacadaha.