U bood dhigaalka

Muxkuu Ka Yiri Wasiirka Waxbarashada Macalimiin Dhowaan Ka Bannaanbaxay Shaqo-joojin Lagu Sameeyay?

Sheeko:Waxbarashada

Todobaadyo ka hor waxaa Wasaaradda Waxbarashada horteeda bannaanbax ka dhigay ku dhawaad 100 macallin oo muddo ka shaqaynayay dugsiyada ay maamusho Wasaaraddu, kuwaas oo sheegay in laga joojiyay shaqadii, islamarkaana lagu wargeliyay inay dib u soo codsadaan oo ay ka fa’iidaystaan fursadda ay dowladdu ku qaadanayso bareyaal 3 kun ah.

Hadda wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir oo ka qeyb-galay madal ay bahda waxbarashada iyo dadweyne kaleba su’aalo ku weydiinayeen ayaa ka jawaabay arrintaas, wuxuuna sheegay in macallimiintaas mashaarkooda uu bixin jirey Bank-ga adduunka, islamarkaana uu joojiyay, wasaaradduna ay ku qasbantahay inay bareyaashaas la wadaagto inay shaqada dib u soo codsadaan.

Wasiirka Faarax ayaa intaa ku daray in macallimiinta qaar kamid ahi aysan si feecan u fahmin arrintaas, balse ay wasaaraddu la fariisatay oo la qanciyay, islamarkaana ay hadda cabashadoodii meesha ka baxday, labada dhinacna ka heshiiyeen.

Dhanka kale qaar kamida macallimiintaas la hadlay goobjoog news ayaa sheegay inuu jiro wada-hadalkaasi, islamarkaana Wasaaraddu ay cabashadoodii ka jawaabtay, balse ay weli sugayaan fulinta wixii laysku afgartay.

Macallimiintan ayaa dhowrkii sanoo la soo dhaafay ka shaqaynayay dugsiyada Kala duwan ee Wasaaradda Waxbarashadu maamusho, ayadoo qaarkood ay tababarro muddo dheer qaatay u soo mariyeen sidii ay shaqadooda uga soo dhalaali lahaayeen, balse dhowaan ayaa loo sheegay in mushaarkoodii uu ku egyahay bisha August, islamarkaana ay u furantahay inay ka noqdaan u tartamayaasha macallimiin 3 kun ah oo ay sanadkan dowladdu qaadanayso.