U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dalka Venezuela oo Markii Sedexaad Ku Guuleystay Inuu Noqdo Madaxweynaha Dalkaas

Codbixinta doorashadii madaxtinimada ee dalka Venezuela ayaa la soo gabangabeeyay, waxaana lagu dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya ee nicolás Maduro uu markii 3-aad ku guulaystay hoggaaminta dalkaas.

Nicolás Maduro oo 61 jir ah ayay hay’adda doorashada dalkaasi shaacisay in uu yahay musharrax ugu sarreeya, kaas oo lagu helay coadkii ugu badnaa ee doorashadan ay Maraykanka iyo reer galbeedka sida weyn isha ugu hayaan.

Elvis Amoroso, oo ah madaxa golaha qaran ee doorashooyinka, ayaa sheegay in Maduro uu helay 51 boqolkiiba codadka la tiriyay, isagoo ka guuleystay musharraxa mucaaradka Edmundo González oo helay 44 boqolkiiba, waxaana uu sheegay in natiijada lagu saleeyay boqolkiiba 80 goobaha cod bixinta, taasoo muujineysa isbedel aan laga laaban karin.

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Maria Corina ayaa sheegtay in musharraxa mucaaradka Edmundo Gonzalez uu ku guuleystay 70 boqolkiiba codadkii doorashada madaxtinimo, balse ay wax isbada Marini dhacday.

xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay walaac weyn ka qabaan in natiijada lagu dhawaaqay aysan ka tarjumayn rabitaanka ama codadka dadka Venezuela, isagoo tilmaamay in Maraykanku uu doonayo in codadka doorashada madaxtinimo loo tiriyo si cadaalad ah oo daah-furan.

Madaxweyne nicolás Maduro oo ay si weyn isku hayaan Mareykanka ayaa dalkan saliidda hodanka ku ah ee ku yaalla koonfurta Ameerika hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2013-kii, isagoo 2018-kii doorasho muran badan dhalisay mar labaad ku soo baxay.