U bood dhigaalka

Mas’uul Ka Tirsan Bahda Waxbarashada oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Waxbarashada

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas lagu toogtay masuul kamid ahaa bahda waxbarashada deegaanada Puntland, gaar ahaan Boosaaso, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.

Ninkan oo lagu magacaabi jirey Khaalid Cali Khaalid ayaa guddoomiye ku xegeen ka ahaa Jaamacadda Bariga Afrika, laanteeda magaalada Boosaaso, waxaana gurigiisa hortiisa ku toogtay rag hubaysan oo aan heybtooda la aqoonsan, ayadoo aan illaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Dilkan oo ah kii labaad oo maanta ka dhacay Boosaaso, islamarkaana lagu Khaarijiyay laba nin bulshada macne u lahaa oo firfircoonaa , kuwaas oo aan illaa hadda fasiraad quman loo hayn sababta nafta loo dhaafiyay.