U bood dhigaalka

Dowladaha Kenya iyo Uganda oo Kawadahadlaya Kordhintay Ganacsiga Shidaalka ee u Dhaxeeya

Kenya iyo Uganda ayaa bilaabay wada-hadal ku saabsan kordhinta dhuumaha shidaalka Eldoret, kuwaas oo ay si xoog leh ugu tiirsantahay Uganda, ayadoo badeecadaha saliidda ka soo qaadata magaalooyinka Eldoret iyo Kisumu oo gudaha kenya ah.

Shirkadda dhuumaha ee Kenya (KPC) ayaa Talaadadii shaacisay in Wasiirka Tamarta ee Uganda Ruth Ssentamu ay todobaadkii hore la kulantay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Tamarta Kenya, oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud Mudane Maxamed Liibaan, ka dibna ay soo kormeereen xarunta dhexe ee KPC ee magaalada Nairobi.

Dhuumo shidaal oo waaweyn ayaa la sheegay in Kenya ay dhisayso, kuwaas oo laga soo qaado Eldoret ilaa magaalada xuduudka Kenya iyo Uganda ee Malaba, taasoo qiyaastii 127 kilomitir u jirta Eldoret, waana mashruuca baaxad leh oo dhaqaalaha labada dhinac wax weyn ku soo kordhin doona, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Labadan dal ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashiyo dhaqaale iyo kuwa hormarineed oo baaxad leh, ayadoo dowladda Uganda ay ku tirrsantahay, islamarkaana wax kala soo degto dekadda magaalada mombasa ee dalka Kenya