U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federalka ah ee Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Akademiyadda diblomaasiyadda Turkiga oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Wasiir Fiqi iyo Proff Dr. Mesut Özcan ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dhinac iyo sare u qaadista tababarada taageerada ah ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ka helaan Turkiga, xilli dowladda Turkigu kamid tahay dowladaha taageera Soomalaiya/

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya, isagoo xusay in 15-kii sano ee ugu dambeeyey Turkigu uu tababaray ilaa 80-diblomaasi, haatana uu rajeynayo in la sii horumariyo iskaashiga khibrad wadaagga labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya mudane Alper Aktas, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli barri uu Muqdisho ka furmayo tababar la siinayo diblomaasiyiin Soomaaliyeed oo xirfadan ku cusub.