U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Gaaray Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jidah ee dalka Sucuudiga, ahna xarunta ku meel gaarka ah ee ururka iskaashiga islaamka, halkaas oo ay shir muhiim ah uga qeyb-geli doonaan.

Shirka ay wasiirka iyo wefdigiisu ka qeyb-gelayaan ayaa ah mid aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka islaamku isugu imaanayaan, islamarkaana looga hadlayo xaaladda marinka Qasa iyo sidii wax looga qaban lahaa duqeymaha arxan darrada ah ee uu maamulka Israa’iil bishii 10-aad halkaas ka wado.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad culusi ka jirto bariga dhexe oo ah gobol dalalka ugu badan ee dhacaahi ay islaam yihiin, islamarkaana ay si xoog leh oo dhaqaale ahaan iyo nabadgelyo ahaan isugu jirta u saameynayso haddii ay sii kororto xurgufta ka dhexeysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iiraan, taas oo cirka isku sii shareertay ka dib dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii xaafiiska siyaasadda ururka xamaas.