U bood dhigaalka

Ururka Xamaas oo Ku Dhawaaqay Hoggaamiyaha Siyaasadda ee Badalaya Ismaaciil Haniyah

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta reer ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay in taliye Yahya Sinwar loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee ururkaas, isagoo bedelaya shahiid Ismaaciil Haniyeh Allaah ha u naxariistee, oo Arbacadii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Tehraan ee Caasimadda Dalka Iiraan.

War kooban oo ay soo saartay Xamaas ayaa lagu shaaciyay magacaabista Yaxye Sinwaar oo hadda kamid ah hoggaamiyaasha ugu sarreeya ee ururka, islamarkaana hoggaaminaya dagaalka marinka Qasa, kuna sugan goobaha ay Israa’iil 10-kii bilood ee la soo dhaafay sida arxan darrada ah u duqeynaysay.

Yaxye Sinwar oo 61 jir ah, ayaa Israa’iil u aragtaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku qaadday gudaha maamulkeeda, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 1,100 qof, in ka badan 200 oo kalena ay maxaabiis ahaan u qabsadeen, ka dibna keenay musiibada lagu hoobtay ee illaa haatan ka taagan marinka Qasa, taas oo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 40 kun oo qof.