Suxufiyad Aisha Abas Oo weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen ka badbaday caawa degmada Kaxda
Aisha Abass Tahliil oo ah wariye ka tirsan wargayska maalin laha ah ee Xog-doon ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ku hubeysan bistoolado waxa ay ku weerareen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan sida goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gabadha weriyaha ah ee la beegsaday inkastoo waxyeelo aysan gaarin haddana kooxda dilkaas damacsanayd ayaa goobta isaga baxsatay.
Si dirqi ah ayay kooxdan oo la rumeysan yahay in ka tirsan yihiin Al-Shabaab kaga badbaaday Weriyaha, waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii weerarka ku soo qaaday weriye Aisha Abass Tahliil.
Weerarkan lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo wariyaha ayaa dhacay xili ay ka soo laabatay shaqo maalmeedka ee Wargayska Xog- Doon ee ka soo baxa magaalada Muqdisho.
Weriye Aisha Abass Tahliil ayaa si wayn wax uga qorta tacaddiyada ay kooxaha hubeysan sida Al- Shabaab ama xittaa dhanka dowladda ay u gaystaan dumarka Soomaaliyeed.
Dhowr jeer sida ay sheegtay weriye Aisha Abass Tahliil kooxda ayaa ugu hanjabtay in ay khaarijin doonaan haddii aysan joojin qoraalada ay ka samaynayso tacaddiyada ay u gaystaan haweenka, iyadoo oo la kulmaysay maalmihii la soo dhaafay hanjaabyo iyo wicitaano toos ah.