U bood dhigaalka

Askari Ku Geeriyooday Isagoo Ku Jira Samatabixinta Ilmo Ku Dhacay Musqul

Howlgal ay ciidamada dab-damiska ee magaalada laascaanood ku doonayeen inay ku badbaadiyaan ilma yar oo musqul ku dhacay ayaa sababay khasaare dhimasho oo aan la filayn ka dib markii mid kamida askartu uu geeriyooday intii lagu jiray dadaalada samata-bixinta ee goobta ka socday.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan, kana tirsanaa ciidanka dab-damiska magaalada ayaa la sheegay inuu galay godkii suuliga ee ilmaha yari ku dhacay si uu uga soo saaro, balse wax yar ka dib asagii qudhiisa oo meyd ah ayaa laga soo saaray sida goobgoojeyaashu ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Sidoo kale ilmihii yaraa ee musqusha ku dhacay ayaa badbaadintiisa lagu guul-darraystay, wuxuuna weli ku jiraa halkii uu ku shalwaday, mana cadda nolo iyo geeri midda uu ku suganyahay, balse in ka badan 10 saacadood ka hor ayuu halkaas ku dhacay, waxaana la filayaa in maanta mar kale laysku dayi doono in raqdiisa iyo ruuxiisa midkood bannaanka la keeno.