U bood dhigaalka

Goorma ayuu Furmayaa Wejiga 2-aad ee Dhexdhexaadinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

Wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ay garwadeen ka tahay Turkiga ee la xiriiira xiisadda Badda ayaa galaya wejiga 2-aad iyada oo labada dhinac ay Ankara ku kulmi doonaan todobaadka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atske Selassi ay kulmi doonaan si xal looga gaaro is mariwaaga dhashay kadib markii January ay Adis Ababa kula heshiisay maamulka Hargeisa kireynta 20 km oo badda Soomaaliya taasi oo Muqdisho u aragtay ku xadgudbidda dhulkeeda iyo waxyeeleynta madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda iyada oo soo mareysa Soomaaliya ilaa inta aqoonsiga Itoobiya ee midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo madax-bannaanida siyaasadeed laga xaqiijinayo,” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.

Bishii Abriil, Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay dalkeeda ka cayrisay safiirkii Itoobiya. Waxa kale oo ay xidhidhisay qunsuliyadihii Itoobiya ee Hargeysa oo ah magaalada ugu weyn iyo caasimadda Somaliland iyo Garoowe oo ah magaalo madaxda maamul-goboleedka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la ogolayn. Turkiga wuxuu noqday saaxiibka dhow ee Soomaaliya, isagoo dhisay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga. Sanadkii 2017, Turkiga waxa uu Muqdisho ka furay Saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sanadkan kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka wadaa wada-hadallada u dhexeeya dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika, kuwaas oo xidhiidhkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya ogolaatay in 20km (12 mayl) oo xeeb ah laga kireeyo Somaliland si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda.

Soomaaliya waxay sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda.