U bood dhigaalka

Maxaa Ka Jira in Itoobiya Ka Codsatay Dowladda Soomaaliya Iney Dekad Siiso Haddii ay Ka Laabato Heshiiska Guracan?

Wajiga labaad ee wada-hadallada ay dowladda Turkigu dhexdhaxaadinayso ee ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay mar kale furmi doonaan bisha September ee soo socata, balse waxaa jira wararka sheegaya inay Itoobiya qorshe kale miiska wada xaajoodka la tagi doonto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayaa shaaciyey in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked, islamarkaana ay tixgelin doonto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigan inay ka laabatay is afgaradkii Soomaaliland.

Wasiir Hakan oo todobaad hor Itoobiya socdaal ku tagey ayaa ku dadaalaya in wajiga labaad ee wada hadalku uu ka furmo magaalada Ankara, balse dowladda Soomaaliya ayaa ku dheggan mowqifkeeda ah in laga laabto is afgaradka,

lamana oga waxa ay ka yeeli doonto ay Itoobiya weydiisato deked ay adeegsato, inkastoo madaxweyne Xasan Shiikh uu horay u sheegay in haddii Xukuumadda Abii Axmed ay wadada sharciga soo marto ay wax walba u ogolyihiin.