U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo war ka soo saartay qiimaha canshuuraha ganacsiyada.

Sheeko:War

Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war cusub oo ku saabsan hannaanka canshuuraha dalka, gaar ahaan kuwa laga qaado ganacsiyada kala duwan.

Wasaaradda ayaa ugu horrayn dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada uga mahadcelisay si muwadinnada iyo xilkasnimada leh ee ay ugu heellanyihiin bixinta canshuurta, ayadoo xustay in dowladdu ay ku guulaysatay inay gaarto isku filnaasho dakhliga gudaha iyo mushaaraadka shaqaalaha ah

Warka Wasaaraddu ay soo saartay ayaa sidoo kale in ayadoo la xoojinayo dhaqaalaha dalka dhowaan lagu dhawaaqay hannaan casri ah oo lagu qaadayo canshuuraha iibka, taas oo ay bixinayaan dadka iibsanaya adeegyada iyo badeecadaha kala duwan, ayadoo hadda ay si toos ah loo jari doono xilliga wax kala iibsiga, ayna ku dhacayso khasnadda dowladda.

Ugu dambeyn Wasaaradda ayaa ku wargelisay ganacsatada in laga billaabo 18 bishan ay boqolkiiba 5 ku daraan qeymaha ay shay walba iibinayaan, taas oo ah canshuur, lamana oga qorshahani sida uu u dhaqan-geli doono, ayadoo dadweynuhu ay cabasho xoog leh ka muujinayaan.