U bood dhigaalka

Wasiirka Qorshaynta XFS oo kulan la yeeshay madaxa hay’adda USAID.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’adda USAID si loo kordhiyo dadaallada horumarineed, Labada mas’uul ayaana isla soo qaaday ajendaha kulanka soo socda ee  Wax-kabadalka Hiigsiga Horumarinta Tobnaad, kaasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo dadaallada dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xasilinta dalka.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi dhex mara Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo USAID, iyadoo si gaar ah loo eegay kor u qaadista wada-shaqaynta dhinacyada qorshaynta, kormeerka, iyo qiimeynta si loo gaaro natiijooyin horumarineed oo muuqda.