U bood dhigaalka

7 waddo oo ay lagama maarmaan tahay in degdeg loo dayac-tiro

Dowladda Soomaaliya waxay dhowaan hirgelisay hannaanka canshuurta iibka oo inteeda badan laga qaadi doono dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo dalacadeeda, waxaana bulshada caasimadda maankooda ka guuxaysa weydiinta ah waxqabad noocee ah ayay dowladdu noogu badelaysaa canshuurtan?.

Ka sokow shaqa la’aanta dhallinyarada iyo nabad-gelyada oo mararka qaar liidata waxa ugu badan ee dadweynaha Muqdisho ay ka cabanayaan ayaa ah waddo xumada iyo biyaha jidadka fariista ee isku socadka dadka iyo gaadiidka saameynta weyn ku yeesha.

Haddaba waxaa jira 7 waddo oo magaalada ceeb u soo jiida xilliya roobka, islamarkaana dayac-tirkoodu uu lagama maarmaan yahay, hagaajintooduna ay waxqabad iyo xil gudasho bulsho aad ugu qanacdo u noqan doonto dowladda.

Jidadkaas ayaa kala ah wadadda garoonka diyaaradaha gasha gaar ahaan agagaarka Sahal oo ah goobta koobaad ee bilicda caasimadda laga qeymayn karo, jidka Ceelqalow, jidka isku xira isgoyska Bakaaraha iyo midka Dabka, wadadda ceelgaabta, wadadda Daalo ee u dhaxaysa Baar ubax iyo Balaagsii, waddada hor marta masaajidka Xareed ee degmada Howl-wadaag, laamiga isgoyska fagax, iyo jidka isku xira Shiikh Cali Suufi iyo isgoyska Shaqaalaha

Waddooyinkan qaarkood horay ayaa dhowr mar loo dayac-tiray, balse waxba iskama badelin oo xilliyada roobabkana waxay noqdaan harooyin ay biyuhu jiifaan, waana layli jawaabtiisa ay bulshadu dowladda iyo maamulka Gobolka Benaadir ka sugayaan.