U bood dhigaalka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo tababar u soo xiray Saraakiil ka howgali doona bar-xuduudeedyada.

Sheeko:War

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta tababar u soo xirtay 15 saraakiil ka kala socotay Hay’adaha kawada howlgala bar-xuduudeedyada dalka oo kala ah HSJ, Booliiska, Kastamka iyo Caafimaadka.

Agaasimaha Guud ee hay’adda mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa ku dhiirigeliyay Saraakiisha ka qayb gashay tababarka in ay aqoonta ay kororsadeen uga faa’iidaystaan in ay ka dhaqangaliyaan goobaha ay ka shaqeeyaan isla markaana adeegga ay bulshada u hayaan uu noqdo mid tayo sare leh.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa Ganacsiga iyo Isku-socodka xuduuddaha, waxaana uu socday muddo afar maalin ah, iyada oo muddada uu tababarka socday lagu qaatay casharro muhiim ah oo la xiriira hanaanka ilaalinta xudduudaha iyo wadashaqaynta hay’adaha ka wada howl gala bar-xuduudeedyada.