U bood dhigaalka

Dooddii ugu adkayd oo dhex martay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo Abuukaate Xalane.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa saaka u fariisatay galdacwadeedka cinqaabta ah ee eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa gubay horraantii bishii February ee sanadkan, waxaana dhageysiga bandhigga xeer-ilaalinta ka dib guddoomiyaha maxkamadda mudane Baashe Yuusuf uu su’aalaha weydiiyay qareenada u doodayay eedaysanaha.

Qareenadaas waxaa kamid ahaa abuukaate Xalane oo weydiimo aad u adag la hor dhigey, kuwaas oo ay kamid ahaayeen sababta ay u dhimatay Luul oo uu qareenku sheegay inay dayac u dhimatay, balse guddoomiyaha ayaa ku celiyay su’aasha ah sababta ay u geeriyootay haddii uu diidanyahay inuu dabku sabab u noqday.

Waxaa kaloo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd waxa ay doodooda difaacu ku tiirsantahay mar haddii Sayid Cali uu gacantiisa ku soo iibsaday shidaal, gabadhana la xaqiijiyay inay gubasho u dhimatay, balse Abuukaate Xalane jawaab la yaab leh ayuu ka bixiyay, asagoo sheegay inaan loo hayn caddayn in dabku uu ahaa sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Galdacwadeedkan oo soo maray laba heer ee maxkamadaha gobolka Benaadir, islamarkaana ay xukun isku mid ah oo dil ah ka soo saareen, ayaa waxaa haatan laga war sugayaa go’aanka maxkamadda sare oo ah mid ugu dambeeya ee lagu kala bixi doono.