U bood dhigaalka

In ka badan 12 kun oo Macallin oo u fariistay Imtixaanka barenimo ee Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta imtixaanka ka qaaday in ka 12 kun oo Macallin, kuwaas oo doonaya inay kamid noqdaan bareyaal cusub oo ay dowladdu dhowaan ka howlgelin doonto dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqadir oo daahfuray imtixaanka ayaa sheegay in ay dowladdu shaqaalaysiinayso 3-da kun ee bareyaasha imtixaanka galay ugu sarreysa, islamarkaana ay ka qeyb-qaadan doonaan horumarka Waxbarashada dalka.

Imtixaanka macallimiinta ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, koonfur galbeed, Jubbaland, iyo maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo, waana qeybtii labaad ee 10 kun oo Macallin oo ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso inay howlgeliso.