U bood dhigaalka

Khasaare baaxad leh oo ka dhashay daadad ku dhuftay Suudaan

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, fatahaad uu sameeyay biyo xireen weyn oo ku yaalla bariga Sudan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 ruux oo ka mid ah dad ku nool ilaa 20 tuullo.

Roobab mahiigan ahaa oo aaggaasi ka da’ay ayaa sababay in uu karkaarrada jabsado Biyo-xireenka Arbaat oo 40 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Port Sudan oo hadda si ku meel gaar ah ugu shaqeyaan madaxda dowladda.

Sidoo kale halkaasi waxaa ku shaqeeya diblamaasiyiinta iyo hey’adaha gargaarka, isla markaana ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ay colaaduhu soo barakiciyeen.

Madaxa waaxda biyaha ee gobolka ku yaalla Badda Cas, Cumar Cisa Harun ayaa sheegay in deegaannada ay fatahaaduhu ka dhaceen aanan la aqoonsan karin hadda.

Wuxuu kaloo sheegay in korontada adeeggii biyaha ay meesha ka baxeen.

Mid ka mid ah dadki ugu horreeyay ee goobta u gurmaday ayaa sheegay in la la’yahay dad gaaraya 150 ilaa 200 oo qof.