U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleeen madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo maamuleyaasha isbitaallada Muqdisho?

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.