U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka qeyb-galay munaasabadda xuska maalinta Jamhuuriyadda Turkiga

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadd federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  ka qeyb-galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu xusayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo soo jireen ah, oo ku dhisan is-ixtiraam, iskaashi, iyo taageero is-dhaafsi, taas oo lagu arko mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed.