U bood dhigaalka

Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xildhiban Maxamed  Abiib Oo ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland  la xiray xilli uu ka soo dagayay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaaladaas.

Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka carabta ayaa markii uu soo gaaray Hargeysa xabsiga loo taxaabay, lamana oga sababta ka dambaysa xariga mudanahan sida weyn uga soo horjeeday siyaasadda Muuse Biixi.

Maxamed Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa kamida xubnaha golaha wakiilada Soomaaliland ugu cadcad, dhowr jeer ayaana laysku dayay in xasaanadda laga qaado maadaama uu aad u dhaliilo xukuumadda Soomaaliland iyo hab maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Goobjoog.com