Guddiga arrimaha Diinta iyo Awqaafta BJFS oo su’aalo adag weydiiyay Wasiir Mukhtaar Roobow
Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u aqaabilsan arrimaha diinta iyo awqaafta ayaa su’aalo adag weydiiyay madaxda wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo uu ugu horreeyay wasiirka Wasaaraddaaas Shiikh Mukhtaar Roobow Cali.
Wasiirka iyo ku xegeenkiisa iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa wax laga weydiiyay qaabka ay u maareeyaan arrimaha xajka, in ay dhexdhaxaad u yihiin dariiqooyinka dalka ka jira, sida ay ku qeybiyaan u adeegidda xujayda ama waxa loo yaqaanno xamlooyinka, iyo hab maamulka guud ee wasaaradda.
Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka warcelinayay qaar kamida weydiimaha xildhibaanada ayaa sheegay in xamlooyinka tartan furan loo galo, islamarkaana cid waliba ay ka qeyb-gali karto.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inaan koox diimeedyo kala duwan wasaaraddiisu aqoonsanayn, balse dariiqada culumada Suufiyada ay wada shaqayn feecani ka dhexayso, islamarkaana ay hawlaha ay wadaan hormuud ka yihiin.
Wuxuu intaa ku daray inay jiraan shaqsiyaad fakarkooda gaarka ah ku khilaafsan shaqada iyo hab maamulka wasaaradda, asagoo tilmaamay inaan qof goodi ah la qancin karin, hadalkan ayaana u muuqda inuu jawaab u yahay qaar kamida culumada Suufiyada oo wasiir Roobow ku eedeeyay inuu ka eexday.