U bood dhigaalka

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyay kulanka gudiyada joogtada ah golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha iyo muhiimada ay leedahay in la dardargeliyo shaqooyinka Golaha si taasi ay u dhacdan muhiim tahay in ay Xildhibaanadda soo xaadiraan kulamada Golaha si aynan kulamada guntan (Kooram) la’aan ugu baaqan.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay warbixinta hindise sharciyeedyada la yaala guddiyada golaha, guddi walba hindise sharciyeedyada uu gacanta ku haayo iyo marxaladaha ay marayaan, waxaana dhinaca kale lagu soo bandhigay qaraarka hay’adaha dowladda ee aan miisaaniyadda laheyn.

Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa gacanta u taagay ajandeynta fadhiyadda Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay Xildhibaanadda Golaha shaqada baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay in ay dadaalkooda sii laba jibbaarraan.