U bood dhigaalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo guddoomiyay shir ku saabsan hannaanka danabaysan ee dacwadaha

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyey shirka ku saabsan dardargelinta nidaamka danabaysan online-ka ee dacwadaha.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed, guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka gobolka iyo sido kale Garsooreyaal, ayada oo ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo dardargalin lahaa nidaamka danabeysan ee dacwadaha.

Inta uu kulanka socday ayaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadleysay sidii loogu shaqeyay nidaamkaan sannadkii tagay iyo sido kale xogta lagu keydiyay, waxaa sido kale lasoo bandhigay sida uu ahmiyad gaar ah ugu leeyahay nidaamkaan Maxkamadaha iyo Maamulka dacwadaha taasoo sahleysa in si sahlan loola socdo jadwaleynta dacwadaha, keydinta xogta dacwadaha iyo Ilaalinta xogaha ammaan ahaan.