U bood dhigaalka

BJFS OO ANSIXIYAY QARAAR KU SAABSAN HABRAACA DHISMAHA IYO ANSIXINTA HAY’ADAHA MADAXA BANNAAN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa aqrinta koowaad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ladagaalanka Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo Baratakooladiisa, qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda iyo labo qeybin oo kala ahaa Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka iyo sharciga wax ka bedelka Sharciga Ka-hortaga Lacag-dhaqida iyo Maalgelinta Argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faah faahin ka siiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Dambiyada Abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo Baratakooladiisa.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay heshiiskan, muhiimada uu qaranka u leeyahay iyo saameynta uu yeelan karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in heshiiskan lagu wareejiyay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka si ay u marsiiyaan habraacyada u dhiman.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda, waxaana faahfaahinta qaraarkan golaha la wadaagay Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka oo cod u qaaday qaraarkan ayaa waxaa ogolaatay 149-Xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray.