U bood dhigaalka

Maxaa ka jira in ay dowladda iibinayso qaar kamida Safaradaha ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka ?

Beryahan waxaa jirtay hadal-hayn xooggan oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay iibinayso qaar kamida Safaradaha iyo Qunsuliyadda ay caalamka ku leedahay, islamarkaana arrintaasi ay si aan daah-furnaani ku jirin ku socoto.

Haddaba xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaas ka hadashay, islamarkaana qirtay in xogtaasi ay dhab tahay oo safaaradaha qaar la iibinayo, balse ujeedada laga leeyahay ay tahay mid lama dhaafaan ah, ayadoo sharraxaad dhameystiran ka bixinaysay sababta tillaabadaas loo qaadayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Iibinayso safaaradda ay ku leedahay dalka Jarmalka, gaar ahaan magaalada Bonn oo ahaan jirtay caasimaddii qeybta galbeed ee dalkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha safaaraddaasi uu yahay mid qadiimi ah oo ku yaalla magaalo aan hadda Caasimadda Jarmalka ahayn, diblumaasiyiinta Soomaaliya ee dalkaasina ay hadda ku shaqeeyaan guri kiro ah oo ku yaalla magaalada Berlin, kaas oo ay sanadkii ku baxdo lacag ka badan $60000 oo dollar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladdu ay go’aamisay in Safaaradda la iibiyo si lacagteeda loogu helo dhisme aan kiro ahayn oo ay ku shaqeeyaan diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee jooga caasimadda jarmalku.

Safaaradda Soomaaliya ee Jarmalka ayaa la dhisay xilli dalkaasi oo ahaa laba dowladood oo kala ahaa qeybta bari iyo qeybta galbeed, islamarkaana Soomaaliya xariir wanaagsan la lahayd dhinaca galbeed oo Magaalada Bonn ay caasimad u ahayd.