U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku xegeenka XFS OK daahfuray bandhigga dalxiiska dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kole Bandhiggaan waxaa  ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale.

Sanad kasta maanta oo kole ayaa loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliya, waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi  si loo hormariyo dalxiiska.