U bood dhigaalka

Madaxweyne Masar oo billad sharaf guddoonsiiyay wasiir hore oo XFS ka tirsanaa

Sheeko:War

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax  casiisii ayaa billad sharaf  heerka koobaad ee Culuumta iyo fanniyada guddoonsiiyay Wasiirkii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali  (Baqdaaddi).

Wasiir Baqdaadi ayaa la sheegay inuu billadan ku muteystay kaalintii uu ku lahaa faafinta fikirka Islaamka iyo ka hortagga aragtiyaha xagjirka ah ee dhibaatada ku ah xasilloonida dunida, gaar ahaan dalalka Islaamka.

Ka hortagga fikirka xagjirka ah ayaa wax ku ool u ah nabad-gelyada qaran ee dalalka, waxayna dowladaha dunida ku dadaalayaan inay manhaj ahaan bulshada u toosiyaan si looga badbaado abuuridda aragtiyo gurracan oo xasilloonida halis ku ah.