U bood dhigaalka

Muxuu ka dhiganyahay Xarigga madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori ?

Dowladda Soomaaliya ayaa sharciga la tiigsanaysa shakhsiyaad iyo Hay’ado caalami ah oo dalka ka howlgala, kuwaas oo lagu haysto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda muwaadiniinta iyo xeerarka dalka u degsan.

Eedeysaneyaasha dowladdu ay galdacwadeedkooda gacanta ku hayso ayaa waxaa kamid ah madaxa shaqada iyo Shaqaalaha shirkadda Favori oo maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan cadde.

Eedeysanahan oo lagu magacaabo ERTUGRUL KARAFIYELI oo Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranku uu ku soo oogay dacwado la xiriira anshax-xumo, hanjabaad, iyo ku takri fal awoodeed oo uu kula kacay muwaadiniinta Soomaaliyeed oo shirkaddaas ka shaqeeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkaasi uu ku xiranyahay xabsi gaar, islamarkaana dhowaan la billaabi doono dhageysiga eedeymaha loo haysto ee ay dhibanaha u yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shirkadaas ka howlgala iyo qarankuba.

Haddaba dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Xeer-ilaalinta dalku horay u maxkamadaysay shirkado shisheeye iyo shakhsiyaad ajanabi ah oo lagu eedeeyay xeer jabin, musuqmaasuq, canshuur la baxsi, iyo ganacsiyo aan dowladda oggolaansho ka haysan.

Tillaabooyinka ayay xeeldheereyaasha arrimaha Garsoorka iyo sharciyadu ku fasireen in awoodda iyo madax-bannaanida Garsoorka dalku ay hormar baaxad leh ku socdaan, islamarkaana isla xisaabtanku uu shisheeye iyo muwaadiniinba isku si u saameynayo, taas oo kamida qodobada lagu faani karo markii laga hadlayo dowlad-dhiska dalka.

Si kastaba ha ahaatee eedeymaha ninkan loo haysto oo aan keligiis ku koobnayn, balse ay la wadaagaan madaxda Hay’adaha shisheeye, maamulada shirkadaha dalka qarkood, iyo masuuliyiin dowladeed ayaa ah dembiyo culus oo ay lagama maarmaantahay in lays kula xisaabtamo.

Goobjoog.com