U bood dhigaalka

Maxkamadda sare oo Mar kale xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diiday Rafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in eedeysanaha lagu xukumay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa horay waxaa dil toogasho ah ugu soo xukumay Maxkamadda gobolka Benaadir tan racfaanka.

Waxaa uu ku eedeysanaa in uu gubay Xaaskiisii ka dibna uu baxsaday iyadoo ciidanka ammaanka ay kasoo qabteen gobolka Mudug.

Xukunkaan ayaa ahaa mid abuuray hadal heyn weyn oo ku baahday baraha bulshada.