U bood dhigaalka

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo la kulmay madaxa garoonka diyaaradaha Copenhagen ee Denmark

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Denmark ayaa la kulmay madaxda Garoonka diyaaradaha ee Copenhagen.

Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa ugu horrayn waxa ay warbixin ku saabsan habka uu u shaqeeyo garoonka ay ka dhageesteen madaxda Garoonka, Sidoo kale waxa ay booqasho kormeer ah ku tageen qaybaha uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha ee Copenhagen, gaar ahaan qaybta hubinta baasaboorada iyo qaybaha laga maamulo xogta duulimaadyada.