U bood dhigaalka

Maxay ka dhigan tahay taageerada Maraykanka ee Soomaaliya?

Gobolka Geeska Afrika waxa uu xilligan dhex maquuranayaa loollan bilow ah laakiin aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono, waxaana murqahooda fidsanaya dalalka awoodda militari iyo tan dhaqaalaba horboodaya caalamka—oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Sidoo kale, waxaa iyana saameyntooda la iska indhatiri karin awoodo dhexe oo heer goboleed ah, afka cilmiga xiriirka caalamigana lagu dhaho “middle powers,” waxaa safka hore kaga jira Imaaraadka, Turkiga, Sucuudiga, Masar, iwm.

Maraykanka waxa uu loollankan si dhab ah ugu soo biiray doorashada Donald Trump wixii ka dambeeyey, waxaana isbeddel lagu sameeyey qorshaha amniga qaranka iyo siyaasadda ku aaddan Afrika iyada oo dib loo qeexay “Cadowga Maraykanka” iyo cidda khatarta ku ah danihiisa istaraatiijiga ah. John Bolton oo xilligaas ahaa lataliyaha amniga qaranka ee Trump ayaa mar uu tilmaam ka bixinaayey cadowga koowaad ee Maraykanka waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Ruushku ay khatar amni oo heer qaran ah ku yihiin, adduunkana u diyaargaroowo dagaal qabow oo cusub (New cold war). 

Geeska Afrika waxa uu leeyahay ahmiyad siyaasad dhuleed (geopolitical) oo aad u sarreysa, waxaana ku doodayaa cidda gacanta ku heysa ayaa ku guuleysan doonta dagaalka qabow ee socda. Dalalka sida gaar ah ahmiyadda u leh oo isha lagu wada haayo waxaa koow ka ah Soomaaliya. Marka koowaad, waa dal juqraafi ahaan isku xira suuqyada saddex bari oo kala ah: 

  1. Bariga fog ee eeshiya sida India, Bangladesh, Pakistan
  2. Bariga dhexe
  3. Albaabka hore ee Bariga Afrika

Marka labaad, saldhiga militari ee Berbera waa meel waqti xaadirkan muhiim u ah loollanka socda, waana mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee Maraykanku u daneynayo Soomaaliya. 

Heshiiskii qudbasirada ahaa ee u dhexeeyey Muuse iyo Abiy

Horraantii sanadkan 2024 waxaa xasiloonida gobolka gilgilay heshiis sharcidarro ah oo ay kala saxiixdeen Ra’iisulwaasaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo gooni-u-goosadka Soomaaliland oo uu hoggaaminaayey Muuse Biixi. Islamarkiiba, waxaa ka falceliyey Xukuumadda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda. Halkaas waxaa ka bilowday dagaal diblomaasiyadeed oo aan waxba la isku reeban, mararka qaar heer waxaa la isla gaaray in hadallo rabshado xambaarsan la isku weydaarsado baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga. Dalalkii sida tooska ah u taageeray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si cadna u sheegay in aan lagu xadgudbi karin gobonimada iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya. Haddaba, maqaalkan waxa aan kaga hadli doonaa sababaha keenay in Maraykanku sidaas oo dhan inoo garab istaago, Itoobiyana cagta wejiga u saaro. Si kale u dhig, Maraykanka maxaa ku riixaya arrintan? 

Xiriirka Maraykanka iyo Itoobiya       

Maraykanka waxa uu markiisii hore saaxiib dhow la ahaa Ra’iisulwasaarihii hore ee Meles, xiriirka Itoobiya kala dhexeeyeyna waxa uu ku koobnaa qofka shakhsiga ah ee markaas xukunka fadhiya, waana meesha ay wax ka khaldameen. Waayo isku dhaca Maraykanka iyo Itoobiya waxa uu bilowday markii saaxiibkood Meles meesha ka baxay, Abiy Ahmed oo dhallinyaro ahna xukunka qabsaday. Maraykanku bilowgii hore waxay isku dayeen in ay xiriir dhow la yeeshaan, lana macaamilaan laakiin habkaas way u shaqeyn weyday, Abiy na waxa uu ku noqday qof madax adag, khiyaano badan, una weecday siyaasad ahaan dhanka Ruushka iyo Shiinaha isaga oo xubin ka noqday ururka BRICS. 

Ficilada Abiy waxay hurdo la’aan ku rideen Maraykanka, waana halka ay iska soo galeen danaha Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya. Waayo labada dalba waxaa culeys ku ah Abiy, Maraykankuna waxaa ka go’an in ay ciqaabaan, afka ciidda u galiyaan ilaa inta uu ka soo laabanayo. Haddaba, su’aasha isweyddiinta mudan waxay tahay maxaa iska beddeli kara taageerada Maraykanka ee ku aaddan Soomaaliya mar haddii Abiy Ahmed soo towbad keeno, dibna u soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyey Itoobiya iyo Maraykanka? Halkan waxaa ku jirta labalabeyn (dilemma) laakiin qaybta dambe ayaan si faahfaahsan uga hadli doonaa arrintan.  

Dhanka kale, waxaa suuragal ah in dadka qaar ku sirmaan doodda dhahaysa Maraykanka waxa uu daacad ka yahay ilaalinta gobonimada Soomaaliya waayo isaga ayaa dan ku qaba in la dhowro shuruucda nidaamka caalamiga. Waa dood raqiis ah waayo haddii ay dhab ka tahay muxuu isaga laftirkiisa ugu xadgudbay, una farogeliyey Ciraaq iyo Afgaanistaan? Sidoo kale, muxuu u taageeray ciidamadii Itoobiya ee xasuuqa ka geystay magaalada Muqdisho? Marka la joogo siyaasadda dunida, hal qodob in la isla fahmo waa muhiim, taas oo ah in dal kasta danihiisa gaarka ah ka shaqeeyo. Dalalka kuwooda waaweyn ee awoodda is-bida iyo kuwa yar ee laciifka ah waxay ku dhex jiraan aashuun afka ka xiran, xeerkiisuna yahay ninbow naftaa (self-help system). Marka doodda la xiriirta mooraalka waa mid raqiis ah, macno badanna kuma fadhiso.

Taariikhdu armey dib isu soo celisaa?

Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay 1977 inta uusan bilaabanin ka hor, dalka Soomaaliya waxa uu xulufo siyaasadeed oo istaraatiiji ah la lahaa Ruushka halka Itoobiya jirtay dhanka Maraykanka. Maxaa dhacay oo isbeddelay? Kaligii taliyihii Mengistu ee xukunka qabsaday markii uu dareemay khatarta ku soo socota waxa uu ku soo biiray xulufada Ruushka. Taasi waxay keentay in Ruushku beddelo go’aankiisii hore ee ahayd waa idin taageereynaa Soomaaliya. Si kale u dhig, Ruushku wuxuu ku booday Soomaaliya maadaama ay wax iska beddeleen danihiisii istaraatiijiga ahayd, waxa uuna qabay dood dhahaysa laba dal oo shuuci ah isma dagaali karaan. Haddaba, su’aasha hadda taagan oo xaalad labalabeyn abuureysa waxay tahay haddii Abiy Ahmed uu isbeddelo, iskuna dhiibo Maraykanka, dibna u soo celiyo xiriirkii hore maxay arrintaasi ka beddelaysaa mawqifka aqalka cad ee ku aaddan MoU da sharcidarrada ah? Jawaabta way sahlan tahay. Saadaashaydu waxa ay tahay, waxa uu gali doonaa jawi aamusnaan ah, indhaha ayuuna gacmaha saaran doonaa isaga oo leh “tuug ma aragtay, ma arkin.”

Gebogebo

Dowladda Federaalka Soomaaliya hadda waxay heysataa taageerada Maraykanka oo buuxa, waana fursad dahabi ah oo ay kaga faa’ideysan karto mashruuc la dhaho isku tasho iyada oo dhisaneysa cutubyo si gooni ah loo carbiyey, kana tirsan ciidamada badda, kuwaas oo awood u yeelan kara fulinta hawlgalo degdeg ah. Dhanka kale, waxaan ku talinayaa in taageerada Maraykanka loo qaadan haddiyad cirka ka timid oo weligeed nala joogeysa. Mar kasta waxaa la filan karaa in uu isbeddel ku dhaco siyaasaddiisa ku aaddan gobolka gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Itoobiya. Madaxda Soomaaliyana waxaa cashar ugu filan taariikhda oo ay dib u milicsadaan, waxne ka bartaan. 

WQ: Xasan Mudane

Khabiir ku xeeldheer siyaasadda Afrika

[email protected]